Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Xildhibaano aad ugu dhawaa Farmaajo oo u weecday Xasan Sheekh taageerana u muujiyay…

Sabti 30-March-2024 {HMC} Waxaa saakay oo Sabti ah lagu wadaa in xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay meel mariyaan wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumadiisa ayaana dedaal badan ku bixinaya sidii xildhibaanada labada Aqal u meel marin lahaayeen wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka, halka ay arrintan si weyn uga soo horjeedaa siyaasiyiinta mucaaradka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda wax ka bedelka dastuurka, waxa uuna uga digay xildhibaanada in ay qaataan go’aan dalka halis gelin kara.

Xildhibaano badan oo horey u taageersanaa Farmaajo kana mid ahaa kooxdiisa ayaa hadda u muuqda in Villa Soomaaliya kala fur furtay, kuwaa oo hadda si cad ugu ololeenaya wax ka bedelka dastuurka KMG uu diidan yahay hoggaamiyihii soo saaray.

Taliyihii KMG ee ahaa ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey oo kamid ahaa xildhibaanadii daacada u ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa hadda u muuqda mid ka furtay oo tolnimo qaaday, waxa uuna taageeray wax ka bedelka dasturrka waliba uu u ololeenayo.

”Beri (Maanta) waa maalin weyn waxaan dhammaan shaki nooga jirin in dastuurka oo la qabyo tiro lana dhameystiro ay kamid tahay shaqada shacabka aan wakiilka ka nahay naga sugayaan, Shaqooyinka na horyaala kuma xirna Jeceyl ama Naceyb, Eed iyo amaan, Waxaa wax looga bedelay hordhaca Wax ka bedelka Dastuurka afarta Cutub Doodaha Iyo Aragtiyada xubnaha baarlamaanka kaliya. Kuma jiri karto nin jecleysi, koox jecleysi iyo xaalad abuur, xafiiltan siyaaseed ma geli karto, ayuu yiri Yaasiin Farey .

Xildhibaan Dayah Cumar oo sidoo kale kamid ahaa dhallinyaradii Fahad iyo Farmaajo xildhibaanada ka dhigeen ayaa isna si weyn u taageeray ololaha Villa Soomaaliya ee wax looga bedelayo wax ka bedelka dastuurka .

Madaxweynaha Soomaaliya oo siyaabo kala duwan ula kulmay xildhibaanadii taageersanaa siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kala fur furay, waxa uuna madaxweynaha xildhibaanada u sameeyay ballan-qaadyo kala duwan ay ku jiraan xilal iyo lacag.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA