{DHAGEYSO} Yuusuf Dabageed “Wax la Qeybsaday oo Reer Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku Heshiiyeen Ma jirto”

9
26967

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ka soo hor-jeestay heshiiskii laga gaaray qeybinta Xildhibaanada ee Odayaasha dhaqanka Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo tilmaamay in aanay jirin wax ergo ah oo ka socota Hiiraan oo ku sugan Jowhar.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay inay jiraan dad dano ka leh howlaha ka socda magaalada Jowhar, waxaana uu caddeeyay waxba kama jiraan uu yahay wax la qeybsaday, isla markaana Gobolka Hiiraan aanu wax shaqo ah arrintaas ku laheyn.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ugaasyada reer Hiiraan ay intooda badan ku sugan yihiin Beledweyn, isla markaana Jowhar ku sugan yihiin labo Ugaas oo kaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay ku dhawaaqday in odayaasha dhaqanka ay heshiis ka gaareen qeybsiga kuraasta Baarlamaanka, iyadoo beelaha dega labada gobol ay tiro kala duwan ka soo gaartay xubnaha Baarlamaanka.

Shirka Jowhar oo ay fududeynayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ayaa ku socda si dar dar leh, waxaana qorshuhu yahay in 28-ka bishan la doorto Guddoomiye Baarlamaanka, halka Madaxweynahana la dooran doono 3-da bisha October.