Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Macawiislayda oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ku qabtay Rag ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin ‘AS’.

Arbaco, December, 27, 2023 (HMC) Ciidamada Deegaanka ee Macawiislayda ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Deegaanka Cadcaday waxaana ay sheegeen in ay kusoo qabteen saddex xubnood oo katirsan ‘AS’.

Taliyaha Ciidanka Macawiislayda deegaankaas Cilmi Cabdulle Cali ayaa sheegay in howlgalkaan ay sameeyeen kaddib markii ay heleen xogo la xiriira saddexdaan ruux waxaana ugu dambayn gacanta ay kusoo dhigeen Raggaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Cilmi ayaa tilmaamay in markii ay waraystaan Raggaan ay u sheegeen in ay katirsanayeen xubno katirsan ‘AS’ oo dhowaan la geeyay deegaannada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidanka deegaanka ee Macawiislayda oo kaashanaya kuwa Federaalka ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda Gobollada Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

{DAAWO MUQAALKA} Siddee ayuu u dhacay Dilka Muqdisho loogu geystay Sargaal sare oo ka tirsanaa Booliska.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Siddee ayuu u dhacay Dilka Muqdisho loogu geystay Sargaal sare oo ka tirsanaa Booliska. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/L-MM6LICF1M

{DAAWO MUQAALKA} kulan looga hadlayey faragelinta Itoobiya oo lagu qabtay Magaalada Aarhus ee dalka denmark.

Sabti-4-May-2024 {HMC} kulan looga hadlayey faragelinta Itoobiya oo lagu qabtay Magaalada Aarhus ee dalka denmark. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/DmheaPwiv5A

WARARKA