Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Madaafiic Khasaaro dhalisay oo lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Arbaco December-27-2023-{HMC} FAAH-FAAHINO dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo saakay markii salaada subax la dukaday lagu garaacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aaga ay kutaallo madaxtooyada Soomaaliya, madaafiicda qaarkood ayaana dhaliyay khasaaro.

Sida aan wararka ku helnay mid kamid ah madaafiicda loo tuuray dhinaca madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacay guri kuyaalla xaafada Yuusuf Al Kowneyn ee degmada Boondheere, waxaana halkaasi ku geeriyootay hooyo kamid aheyd dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in madfaca uu ku dhacay hooyo degan xaafada Yuusuf Al Kowneyn xilli hooyadaasi ay dul fadhisay salligii ay salaada subax ku dukutay, waxa uu sidoo kale madfacaasi bur buriyay guriga qoyskaasi degnaayeen.

Lama oga madaafiicda kale ee lagu tuuray aaga madaxtooyada in ay gudaha ku dhaceen iyo in kale, waxa ayna madaafiicdan qalqal xoogan iyo cabsi galiyeen dadka degan aaga madaxtooyada Soomaaliya.

AS ayaa sheegatay masuuliyada weeraro badan oo madaafiic ah oo horey uga dhacay Muqdisho, madaafiicdan ayaa galaafatay nolosha dad badan oo shacab ah u ku habsaday guryahooda iyaga oo dhax jooga.

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii gubay xaaskiisa oo Maxkamadda ka sheegay hadal ka yaabiyay dadka

Axad 5, May 2024 {HMC}  Ninkii gubay xaaskiisa oo Maxkamadda ka sheegay hadal ka yaabiyay dadka HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/DJ91FQbnLiw

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 05-5-2024

Axad-05-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf...

WARARKA