Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

Nin Mareykan ah oo ku biiri rabay AS oo la qabtay.

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Nin u dhashay Dowladda Mareykanka oo doonayay in uu ku biiro kooxda AS ayaa 14-kii bishan lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ninkan lagu eedeeyay ku biirista koox argagaxiso ah.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay Karrem Nasr oo 23-sanno jir ah uu damacsanaa in uu kamid noqdo kooxda AS, waxa ayna xustay in ninkan dhiiro-gelin ka helay weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii October.

“Sida la sheegay, Karrem Nasr, wuxuu dhiirro-gelin ka helay weerarkii ba’naa ee ay Xamaas qaadeen 7-dii Oktoobar, isagoo ku talogalay inuu sameeyo jihaad ka dhan ah Ameerika iyo xulafadiisa,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka Damian Williams.

Ninkan lagu eedeeyay in uu ku biiri rabay AS ayaa kasoo tagay Mareykanka bishii July ee sannadkan, waxa uuna bilooyin ku sugnaa dalka Masar , kahor inta uusan kasoo degin magaalada Nairobi laguna xirin.

Laamaha ammaanka Dowladda Kenya ayaana ninkan u gacan-geliyay sirdoonka Mareykanka, waxaana ninkan maalintii Khamiista aheyd dib loogu celiyay dalka Mareykanka, halkaas oo la filayo in lagu maxkamadeeyo.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya””Taliska Booliska

Sabti-4-May-2024 {HMC} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya""Taliska Booliska HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/QyOJvEC1pNI

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Baay.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Baay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/ukcXQE8Jluo

WARARKA