Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka gobolka Banaadir oo Diiday Ganaax lagu soo rogay Kooxda gobolka Babaadir

Jimco jan-5 2024-{HMC} Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka horyimid go’aan kasoo baxay xiriirka kubbada cagta Soomaaliya, kaasoo saddex dhibcood looga jaray xulka gobolka Banaadir sababa la xiriira shaqaaqadii shalay ka dhacay cayaartii dhexmartay Banaadir iyo Hirshabeelle.

Maamulka Banaadir ayaa sheegay in aysan masuul ka ahayn qalad ay sameeyeen taageerayaasha garoonka, iyagoo sheegay in aanay jirin taageerayaal u diiwaanshan gobolka Banaadir ama kuwa ay tikido siiyeen oo garoonka u yimid inay taageeraan.

Maamulku wuxuu ku baaqay inuu xiriirku sameeyo baaritaan, islamarkaana uu ka feejignaado tallaabo kaste oo carqalad ku ahaan karta habsami u socodka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Waxay kaloo sheegeen in ay ka xun yihiin dhibaatada ka dhacday garoonka iyo dadkii ay saameysay.

Shalay galab ayeey ahayd markii fowdo iyo dhagax tuur ah ay sameeyeen taageerayaasha garoonka joogay, taasoo ay ku dhaawacmeen dad farabadan oo iskugu jiray Boolis Cayaartooy iyo taageerayaal waxaana ay sababtay in la joojiyo Cayaarta oo maraysa qeybtii dambe.

Guddiga anshaxa tartanka kubada Cagta ayaa go’aan kusoo saaray in saddexda dhibcood ee cayaartii shalay lasiiyo xulka Hirshabeelle, ka dib markii taageerayaasha Banaadir lagu eedeeyay inay sameeyeen fowdo.

{DAAWO MUUQAALKA} Sayid Cali oo sharxaad cusub ka bixiyay Falkii uu ku gubay Xaaskiisii Geriyootay ee Luul Cabdi Casis

Axad 5, May 2024 {HMC}  Sayid Cali oo sharxaad cusub ka bixiyay Falkii uu ku gubay Xaaskiisii Geriyootay ee Luul Cabdi Casis HOOS KA DAAWO...

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Su’aalo waydiiyay Dr Ciise oo ah agaasimaha

Axad 5, May 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Su'aalo waydiiyay Dr Ciise oo ah agaasimaha HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/uFEfJ2aLzHs

WARARKA