Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Waa Sidee Xaalada Marinka Gaza?

Jimco-22- March-2024 {HMC} Ciidamada Israa’iil iyo Hay’adda Ammaanka Israa’iil (ISA) ayaa maanta oo Khamiis ah shaaca ka qaaday in ciidamadoodu ay ilaa hadda gacanta ku dhigeen in ka badan 600 oo qof howlgallada ka socda Isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Gaza.

In ka badan 140 qof ayaa lagu dilay howlgalka, sida ay hay’adaha falastiiniyiinta ku sheegeen war ay si wadajir ah u soo saareen.

Ciidamada Israel ayaa soo helay sida ay sheegeen hub iyo dukumentiyo sirdoon ayna xireen dad ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas iyo ururka Jihaad Islaami ee Falastiin, sida ay sheegtay wakaaladaha Israel.

Milateriga Israa’iil ayaa howlgallada ka bilaabay Al-Shifa Isniintii markii ay ku eedeeyeen in Xamaas ay xarunta u adeegsanayeen inay fuliyaan oo ay kor u qaadaan dhaqdhaqaaqooda.

Xamaas ayaa si isdaba joog ah u beenisay inay isbitaallada u adeegsato saldhigyo ay ku shaqeyso. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in kumanaan Falastiiniyiin ah ay magangalyo u raadsadeen Isbitaalka Al-shifa ka hor inta uusan bilaaban howlgalka.

Duulaanka Israel ay ku hayso Isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa galay maalintii afaraad, waxaana dadka rayidka ah ee isbitaalka ku jira gabaabsi ka ah waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, sida uu sheegay afhayeenka difaaca shacabka Gaza.

Haweeney ku nool agagaarka xarunta caafimaadka ayaa soo bandhigtay muuqaalo ay kaga sheekeyneyso sida ay xaaladdu tahay mid aad u liidata , iyadoo sheegtay in qaraxyada iyo rasaasta ka dhacaysa goobta ay ku dhacayaan dhismayaal la deggan yahay.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa ku sugan Bariga Dhexe si uu ugala hadlo wada-xaajoodyada socda ee lagu doonayo in lagu gaaro heshiis ay ku jiraan xabbad-joojin ku-meel-gaar ah iyo sii-deynta la haystayaasha Gaza. Wuxuu sheegay in heshiisku “soo dhowaanayo.”

Blinken ayaa la kulmaya hogaamiyayaasha Carabta ka hor inta uusan Jimcaha beri ah tagin Israel. Safarkiisa ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah: Saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan wax ka beddelka weerar dhulka ah oo ku soo fool leh magaalada Rafah ee koonfurta Qaza toddobaadka soo socda

Wada-xaajoodyada lagu xaqiijinayo xabbad-joojin ku xidhan sii-deynta la haystayaasha Xamaas ayaa lagu wadaa inay Jimcaha beri ah dib uga bilowdaan dalka Qatar, sida ay sheegeen ilo-wareedyo. Diblomaasi ka hadlay arrinta ayaa sheegay in wadahadaladu ay “si wanaagsan u socdaan” – si kastaba ha ahaatee, “kala duwanaansho badan” ayaa weli taagan.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegay in macluusha Gaza ka jirta looga hortagi karo oo keliya in la furo meelo badan oo dhulka laga soo galo oo laga galo marinka.

“Dadaaladii ugu dambeeyay ee cuntada lagu gaarsiinayo hawada iyo badda waa soo dhaweynayaa. Laakiin kaliya ballaarinta isgoysyada dhulka ayaa awood u siinaya alaabooyin baaxad leh si looga hortago macluusha” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Madaxa WHO ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 16% carruurta ay da’doodu ka yar tahay 5 sano ee ku nool waqooyiga Gaza ay hadda nafaqo darro hayso iyo in carruurtu ay u dhimanayaan “saamaynta isku dhafan ee nafaqo-xumada iyo cudurrada iyo la’aanta biyo iyo fayadhowr ku filan.

{DAAWO MUUQAALKA} Sayid Cali oo sharxaad cusub ka bixiyay Falkii uu ku gubay Xaaskiisii Geriyootay ee Luul Cabdi Casis

Axad 5, May 2024 {HMC}  Sayid Cali oo sharxaad cusub ka bixiyay Falkii uu ku gubay Xaaskiisii Geriyootay ee Luul Cabdi Casis HOOS KA DAAWO...

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Su’aalo waydiiyay Dr Ciise oo ah agaasimaha

Axad 5, May 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Su'aalo waydiiyay Dr Ciise oo ah agaasimaha HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/uFEfJ2aLzHs

WARARKA