Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyey ee howlgallada Muqdisho iyo rag lagu Hubaysan oo lagu soo qabtay.

Talaado-9-April-2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay maanta ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Booliska, kuwa Xasilinta iyo Nabad Sugidda ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye Abshir Kaaraan iyo saraakiisha amniga.

Ciidamada ayaa gudaha u galayay guryaha ku yaalla xaafadaha Faanoole, Wajeer ito Buulo Maxaay oo ka wada tirsan degmada Kaaraan, halkaas oo lagu soo qabtay dad badan.

Inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo qoryo ku dhex watay degmada, kuwaas oo ku labisnaa dhar shicib ah, waxaana lagu xiray saldhigga.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo xiray saddex nin oo la socday Mooto Bajaaj, isla markaana waday xashiis, gaar ahaan Calaq iyo Xashiis, sida ay sheegeen laamaha amnigu.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan oo Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, ayna wadi doonaan maalmaha soo socda.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka shacabka ah oo uu ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga guud, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada ay haatan gudaha caasimada ka wadaan ciidamada ammaanka oo laba jibaaray sugidda amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA