Thursday, May 2, 2024
spot_imgspot_img

Labo nin oo loo xiray in ay u basaasayeen Ruushka, saldhigyo Milatari oo ku yaala Jarmalka

Jimco -19-April-2024 {HMC}  Dacwad oogayaasha Jarmalka ayaa sheegay in ay ku xireen labo nin magaalada Bavaria, kuwaas oo looga shakin san yahay in ay u basaasayeen sirdoonka Ruushka, isla markaana ay qorshaynayeen weerarro laga gaysto saldhigyo milatari.

Dacwad oogaha guud ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in mid kamid ah labada nin ee la qabtay uu ururinyay warbixinno iyo sawirro goobbaha milatari ee suurtagalka ah in la bartilmaameedsado, waxana ku jira saldhiyadda xooggaga Maraykanka ee jooga Jarmalka, iyadoo lala xiriirinayo taageerada Ukraine.

Labada nin ee la qabtay ayaa wata labo jinsiyadood oo kala ah Jarmal iyo Ruush; haddii lagu helo dambi waxa ay mudan karaan xabsi toban sanno ah.

Safaardda Ruushka ee Jarlmalka ayaa sheegtay in aan lagu wargalin raggan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01-05-2024}

Arbaco-01-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud HOOS...

{DAAWO MUQAALKA} Meydadka ilaa hadda la la’yahay ayaa gaaraya ilaa 13 ka mid ah dadkii ay doontu kula rogmatay.

Arbaco 1, May 2024 {HMC} Meydadka ilaa hadda la la’yahay ayaa gaaraya ilaa 13 ka mid ah dadkii ay doontu kula rogmatay wabiga Tana...

WARARKA