Thursday, May 2, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo hor-istaagay in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay

Jimco -19-April-2024 {HMC} Maraykanka ayaa Khamiistii codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraar ay soo diyaarisay Qaramada Midoobay, kaas oo jidka u xaadhaya in xubinimo buuxda la siiyo dawlad ay leeyihiin Falastiiniyiintu.

Qaraarkan oo la horgeeyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa taageeray 12 xubnood, waxaa ka aamusay laba xubnood halka Maraykankuna uu ka soo horjeestay.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay inay cunaqabatayno cusub ku soo rogayaan Iran.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cunaqabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawlgalaan ururada gacansaarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan.

Cunaqabataynta Maraykanka ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shirkadaha soo saara mishiinada ay isticmaalaan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhinacyada soo saara birta loo adeegsado.

{DAAWO MUQAALKA} Xildh.Xaadoole “Gudoomiye Madaale waa Geesi Nasiibkiisa ayuu qabaa ee u Qeylo dhaami Wadada”

Khamiis 2, May 2024 {HMC}  Xildh.Xaadoole "Gudoomiye Madaale waa Geesi Nasiibkiisa ayuu qabaa ee u Qeylo dhaami Wadada" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/L8LUtsuPCok

{DAAWO MUQAALKA} Faah Faahin Qarax khasaara geestay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Faah Faahin Qarax khasaara geestay oo ka dhacay duleedka Muqdisho HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/v6Q9nc1q8D0

WARARKA