Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shil Gaari oo dad badana ku dhinteen oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Sabti-20-April-2024 {HMC} Gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada ah ayaa goordhaw ku bareeg goostay laamiga mara dhabarka dambe ee xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay gaariga bareeg goostay ayaa la sheegay in uu ku dhacay uuna dul maray gaari nuuciisa lagu sheegay Surf iyo sido  o kale mooto bajaaj waddada mareysay, waxaana dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa gaariga iyo mootada.

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhintay shilkan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah ,kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda.

Ciidamo katirsan kuwa nabad galyada waddooyinka iyo kuwa booliiska ayaa u gurmaday dadka ay waxyeelada kasoo gaartay shilka, waxaana goobjoogayaal tagay halka shilku ka dhacay sheegeen in halkaasi waxa ka dhacay aad u argagax badnaayeen.

Shilkan ayaa imaanaya xilli isbuucyo kahor shil kale oo laga naxay uu ka dhacay Muqdisho, kaddib markii gaari weyn oo nuuca xamuulka qaad ah ku rogmaday gaari caasi ah, waxaana shilkaasi isna ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA