Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Cali Xoosh oo Booqday Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka

Sabti-20-April-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali {Xoosh} oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada Md. Caydaruus Macalin iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan galinta Qaranka {NIRA}

Socdaalkaan ayaa la xiriiray xog-waraysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hanaanka iyo habsami u socodka shaqada diiwaangelinta Dadweynaha.
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka {NIRA} mudane Cabdiweli Cali Cabdulle {Timacadde} ayaa sheegay in shaqo dardar leh ay qabteen muddadii yareyd ee ay Hay’addu jirtay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali ayaa Maamulka Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka ku ammaaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiirku sheegay inay dardar galinayaan sidii Kaarka Aqoonsiga loo gaar siin lahaa guud ahaan Dalka si Muwaadin kasta ay ugu sahlanaato qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA