Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliland oo Xal Ka Gaartay Doorashada Hogaanka Sare ee Maamulkasi

Sabti-20-April-2024 {HMC} Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqay goorta la qabanayo doorashada guud ee maamulkaasi, taas oo ay muddo dheer isku hayeen xisbiyada mucaaradka maamulkaas iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa shaaca ka qaadaty in doorashada, ku xigeenkiisa iyo midda xisbiyada ay dhaceyso 13- bisha Novermber ee sanadkan aynu ku jirno 2024-ka.

“Koomishanka doorashooyinka Somaliland wuxuu go’aansaday in doorashada madaxweynaha, ku xigeenka madaxweynaha iyo doorashada tooska ah ee axsaabta qaranka, labadaba la wada qabto 13 November ee 2024” ayuu yiri Muuse Xasan.

Doorashada madaxweeynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa ku tartami doono kaliya musharixiinta saddex xisbi ee kala aha Wadani, Kulmiye iyo Ucid, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Sidoo kale waxaa doorashada tooska ah ee axsaabta ka qayb-gei doono saddex xisbi iyo 10-ka urur siyaasadeed ee loo diiwaan-geliyay doorashada.

Guddiga Koomishanku wuxuu dhinaca kale farriin guud u diray shacabka Somaliland oo uu ka dalbaday inay u diraa garoobaan doorashooyinkaasi oo ah kuwa xasaasi ah/

Waxaan fareynaa bulshada reer Somaliland inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaas, waxaana rajeyneynaa in daneeyaasha ay ka qayb-geli doonaan doorashadaa” ayuu raaciyay.

Go’aanka kasoo baxay guddiga ayaa waxaa isla maanta loo gudbiyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, si ay xukuumada u dhaqan-geliso, loona aado doorasho.

Somaliland ayaa waxaa muddo dheer dood xoogan ay taagnayd doorashada taas oo marar badan dib u dhacday, balse waxaa hadda la qabanayaa 13-ka Novermber ee sanadkan 2024.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA