Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

Muran dhul ka dhashay oo kumannaan Itoobiyaan ah guri la’aan dhigay

Axad-21-April-2024 {HMC} Dagaalka ka dhashay muranka dhulka ee xudduudaha gobollada Tigray iyo Amhara ayaa barakiciyay ku dhowaad 29,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa billowday toddobaadkii lasoo dhaafay wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada labada gobol ee degmada Raya Alamata, oo ay labada dhinacba sheegtaan.

Saraakiisha ku sugan gobolka Amhara ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigray inay duullaan qaadeen, balse maleeshiyadii hore ee Tigray ayaa beeniyay eedeyntan.

Dagaal sokeeye oo labo sano socday ayaa dhammaaday daba-yaaqadii 2022, kadib markii dowladda dhexe ee Itoobiya ay heshiis la saxiixatay ciidamada Tigray.

Si kastaba, waxaan weli la xallin arrimo badan oo ay ka mid tahay hub ka dhigista iyo deegaannada la isku heysto.

Degmada Raya Alamata ayaa laga xukumayay Tigray ilaa markii uu dagaalku qarxay 2020, balse ciidamada Amhara ayaa kadib la wareegay.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03-5-2024

Jimco-03-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiraxmaan Macalin  Farsamadii :Abdiqani osoble HOOS...

WARARKA