Thursday, May 2, 2024
spot_imgspot_img

Taliyihii ciidamada milateriga ee Kenya oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

Jimco -19-April-2024 {HMC}  NAIROBI — Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in taliyihii ciidamada milateriga ee dalkaasi iyo sagaal qof oo kale inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo dhacay Khamiistii.

Taliye, General Francis Ogolla ayaa geeriyooday ka dib markii ay burburtay diyaarad nooca sida qumaatiga u kaca ah, oo ay saarnaayeen 11 qof.

Waxaana shilkaas diyaaradeed ka badbaaday laba qof oo haatan lagu dabiibayo cusbitaalada Kenya.

Diyaaraddan Helicopter-ka ah ayaa burburtay daqiiqado yar ka dib markii ay kacday, waxaana la arkayey dab iyo qiiq badan oo hadheeyey goobta shilku ka dhacay oo ku taalla agagaarka Rift Valley, sida ay baahisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Madaxweyne Ruto oo warbaahinta la hadlay ayaa dhacdadan ku tilmaamay inay tahay masiibo qaran.

“Dalkeena hooyo wuxuu maanta waayey mid ka mida taliyayaashii ugu wanaagsanaa” sidaas waxaa sheegay madaxweynaha.

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaliya oo Faah faahin ka Bixisay Howlgalo ka socda Deegaanka Cali Fool dheere.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Dowlada Soomaliya oo Faah faahin ka Bixisay Howlgalo ka socda Deegaanka Cali Fool dheere. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/2f6srSc0mTI

{DAAWO MUQAALKA} Banaanbax looga soo horjeedo Dilka sargaal ka tirsan Dowlada Soomaliya oo ka dhacay Muqdisho.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Banaanbax looga soo horjeedo Dilka sargaal ka tirsan Dowlada Soomaliya oo ka dhacay Muqdisho. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/vxcbPFwfIto

WARARKA