Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Israel oo mar kale xasuuqay dad safaf ugu jiray cunto gargaar ah

Jimco, 15,Maarso, 2024 {HMC} Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen 155 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israa’iil xilli ay sugayeen gargaar khamiistii shalay.

Milatariga Israa’iil ayaa beeniyay in ay ka danbeeyeen weerarka, waxaana ay sheegeen in ay qiimeynayaan dhacdada.

Dhimashada ayaa la filayaa inay sii korodho iyadoo weli dhaawacyadu loo sii gudbinayo isbitaalka, sida uu sheegay Mohammad Ghrab, oo ah dhaqtar ka tirsan qeybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka Al Shifa. Mar sii horreysay, goobjooge ku sugnaa goobta ayaa sheegay in tobanaan qof ay dhinteen.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu falku ka dhacay oo uu soo bandhigay goobjooge ayaa muujinayay meydad badan oo ay ka muuqato dhaawacyo naxdin leh iyo sidoo kale balli dhiig oo daadsan waddo ay daadsan yihiin burbur iyo boor.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dhacdadani ay ka dhalatay ciidamada Israel oo beegsaday isu imaatinka muwaadiniin sugayey gargaarka bini’aadantinimo hareeraha Kuwaiti ee Gaza.”

“Kooxaha caafimaadku ma awoodaan inay la tacaalaan mugga iyo nooca dhaawacyada ee gaaraya isbitaallada ku yaal waqooyiga Gaza sababtoo ah awoodaha caafimaad oo daciif ah,” ayay wasaaraddu tiri.

Weerarku waxa uu dhacay iyada oo gaajo iyo faqri aad u daran ay ka jirto dhulka go’doonsan, taasoo ay sabab u tahay xannibaadda ba’an ee Israa’iil ee ku aaddan gargaarka gelaya Gaza, halkaasoo in ka badan nus milyan qof ay qarka u saaran yihiin macaluul, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay.

Marinka Kuwaiti ee magaalada Gaza ayaa caan ku noqday goob ay baabuurta gargaarka ku qeybiyaan raashinka, taasoo soo jiidatay dad aad u fara badan oo sahay u baahi qabay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in goobta lagu garaacay wax ay ku sheegeen in ay u eg yihiin Taangiyo ama Madaafiic.

Afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza Mahmoud Basal ayaa bayaan uu soo saaray ku eedeeyay Israa’iil inay ka dambeysay weerarka.

“Ciidamada Israa’iil waxay weli ku dhaqmayaan siyaasadda dilka muwaadiniinta aan waxba galabsan ee sugaya gargaarka taasoo ka dhalatay macluusha ka jirta waqooyiga Marinka Gaza,” ayuu yiri Basal.

Israa’iil ayaa muddo bilo ah xaddiday qulqulka gargaarka ee Gaza, si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah baabuurta xamuulka ah ayaa loo oggolaaday in ay galaan qaybta waqooyi ee marinka halkaas oo gaajada ugu daran ay ka jirto. imaatinka baabuurta xamuulka ah ee gargaarka ayaa dhalisay fowdo iyo khalkhal taas oo inta badan keenta kumanaan qof oo halis ugu jira waxyeello inta lagu jiro qaybinta.

Xafiiska warbaahinta dowladda ee fadhigiisu yahay Gaza ayaa sheegay Talaadadii in ugu yaraan 400 oo qof lagu dilay dhowr dhacdo oo midan la mid ah tan iyo bilowgii dagaalka.

29kii Febraayo, ugu yaraan 112 qof ayaa la dilay 760 kalena waa la dhaawacay ka dib markii ciidamada IDF ay adeegsadeen dab nool iyada oo gaajo iyo quus ay rayid Falastiiniyiin ahi isugu soo baxayeen hareeraha baabuurta gargaarka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

isniin-29-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare Haamud HOOS...

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa looga hadlay kulanka Madaxweyne Xasan sheekh uu kaga qeyb galay Magalada Nairobi.

isniin-29-April-2024 {HMC} Maxaa looga hadlay kulanka Madaxweyne Xasan sheekh uu kaga qeyb galay Magalada Nairobi. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/C_24KT1pjgY

WARARKA