Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa ka cusub kulanka maanta baarlamaanka ee go’aan ka gaarista dastuurka

Sabti 30-March-2024 {HMC} Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay yeeshaan kulan xasaasi ah oo wadajir ah, kaas oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Qaban qaabadii ugu dambeysay kulankan oo lagu meel marin doono wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka ayaa haatan socota, waxaana xildhibaanadu ay sii galayaan hoolka baarlamaanka oo lagu ballamay in xilli hore lasoo galo si loo gudaha galo dastuurka.

Xildhibaanada ayaa ku kala qaybsan arrintan, inkastoo Villa Soomaaliya oo garab ka heleysa guddoonka sare ay wado qorshihii ugu dambeeyay ee ansixinta afarta cusub ee ugu horreyso dastuurka dalka

Waxyaabaha ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo.

Villa Somalia ayaa xilligaan dadaal xooggan ugu jirta sidii uu meel-mar u noqon lahaa wax ka beddelka dastuurka ee ay rabto, waxayna dooneysa in cod gacan taag ah ay mudaneyaasha labada aqal ku meel-mariyaan dastuurka.

Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaar ayaa qaba in waxaas oo idil ay ku soo dhammaanayaan “xilka waan haynayaa ilaa doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah dalka ka dhacdo,” si lamid ah sancadii madaxweynihii xilka uga horreeyey oo la soo hormariyey.

Puntland ayaa dhankeeda horay cadeysay in aanay qeyb ka noqon doonin qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen mid xambaarsan “talo maroorsi”, ayada oo shaki gelisay sharciyad ahaantiisa haddii la meel-mariyo

Xasan sheikh oo shirar xasaasi ah ugu qayb galaya magaalada Nairobi.

isniin-29-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha...

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

WARARKA